-
-
Istaraatiijiyadda
"Waxaanu kaa caawinaynaa inaad cid walba ka fiicnaato"
-
-

Hal-Abuurka
Ma u malaynaysaa ganacsiga aan cusboonaysiin alaabtiisa, adeegyadiisa ama nidaamyadiisa in uu sii jirayo? Sii Akhri…..

Nidaamka Xisaabaadka
Maamulka xisaabaadka iyo maaliyaddu waa wadnaha dhiigga wareejiya ee ganacsi kasta. Sii Akhri…
Macaamiishayada

Rio Architects
Hanti-jire Consulting waa shirkad aad loogu baahnaa, wax badan oo waddanka looga baahnaana soo kordhisay. Rio Architect saaxiib dhow ayay la tahay waxaana ay naga caawiyeen nidaamka xisaabaadka oo aannu si weyn uga faa’iidnay. Sida oo kale waxa ay nagala shaqayeen dhanka maamulka iyo hoggaaminta. Waanu u mahadnaqaynaa Hanti-Jire.
Warfaa Maxamed X.Maxamuud
Guddoomiyaha Rio Architects

Hilibsan Meat Co
Hanti-Jire Consulting waxa ay nala qabteen oo nala diyaariyeen nidaamka xisaabaadka shirkadayadu ku shaqayso iyo istaraatiijiyad 5 sanno ah oo halbawle u ah shirkaddayada wax weyna na taray. Aqoontooda iyo xirfadooda la’aanteed wax badani nooma suurto galeen. Ha moogaanina Hanti-Jire Consulting.
Khadar Cismaan Fadal
Guddoomiyaha Hilibsan Meat Co

Civil Service Institute (CSI)
Hanti-Jire Consulting waxa aannu shaqo wadaag ahayn muddo saddex sano iyo badh ah, anaga oo ah mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda. Tuul-ka (Balance scorecard) oo naga dhinnaa ayay naga caawiyeen oo nagu soo kordhiyeen, cid kasta oo danaynaysa la-talin ama istaraatiijiyadna waanu u tilmaamaynaa oo kula talinaynaa.
Guuleed Hagoog
Goddoomiyaha CSI

Arabia Travel
Hanti-Jire Consulting waa shirkad aad loogu baahnaa oo shirkadaha waaweyn iyo kuwa yaryarba ka dhisaysa nidaam xisaabeedka,maamulka iyo hoggaaminta. Waxa ay nagala shaqeeyeen nidaamka xisaabaadka iyo maamulka oo wax badan ayay nagu soo kordhiyeen cid kastana waanu kula talinayaa in ay ku xidhnaadaan Hanti-jire. Hanti-jire ganacsiga iyo urruraduba way u baahan yihiin.
Cabdiraxmaan Axamed Maxamed
Guddoomiyaha Arabia Travel

HEMA Books
Hanti-Jire Consulting waxa aanu wada shaqaynay in ka badan saddex sanno iyo badh iyaga oo nagala shaqeeyay xisaabaadka, hoggaaminta iyo dhisidda istaratiijiyadda shirkaddayada. Waanu bogaadinaynaa Hanti-jire, shirkadaha kalena waxan kula talinaynaa in ay ka faa’idaystaan adeegyadan ay fidinayaan.
Xasan Cali Maxamed
Guddoomiyaha Hema Books














