HOGAAMINTA WANAAGSAN

HOGAAMINTA WANAAGSAN IYO KAALINTA AY KU LEEDAHAY HORUMARKA BULSHADA IYO
DHISMAHA WADANKA
Waxaa mahad iska leh iaahay (SW) waxaan kaloo umahad celinayaa saxaafada had
iyo jeer uheelan gudbinta wararka,qoraalada,iyo afkaarta wanaagsan
Culimada ku xeelka dheer Cilmi-nafsiga bulshada aadamiga ah, waxay
xaqiijiyeen oo farta ku wada fiiqeen ;” Ahmiyadda Hoggaaminta iyo kaalinta ay
ku leedahay dhismaha iyo horumarka bulshooyinka kala geddisan”. Waxay Culimmadu
caddeeyeen ; Inuu Madaxweynuhu ama Hoggaamiyuhu saldhig u yahay ; isku-duubnida
iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hoggaaminayo, degganaanshaheeda, gaadhida
ujeeddooyinkeeda, ku-dhaqanka Aydiyaloojiyadeeda iyo gudashada hawlaheedaba.
Hawlaha hor-yaal ee laga rabo inuu guto Hoggaamiyuhu, waxay ku xidhan tahay
; hadba nooca bulshada ee uu hoggaankeeda hayo iyo waddada siyaasadeed ee ay ku
taagan tahay. Hoggaamiyayaasha kala geddisan ee bulshooyinka dimuqraadiga ah,
tan Diktatuuriyadda(kali-talis) iyo kuwa ku sugan qaababka jaha-wareerka, qaska
iyo kala-dambayn la’aanta, way kala duduwan yihiin, maxaa yeelay ; isku nidaam,
hab iyo xeer midna ma aha saddexdoodu.
Marka la isku soo cel-celiyo, hawlaha uu hoggaamiyuhu qabto, waxaa lagu
tilmaamaa inay isugu jiraan dejin siyaasad,, qorshayn, maamul, khabiirnimo,
ciqaabid iyo abaal-marin, garsoorid, hawlwadeennimo gudaha ah, arrimaha
dibadaha, tusaalayn, aabbanimo iwm.
Culimmadu waxay tilmaameen, inay cilmi-ahaan adag tahay; in la xaddido
astaamaha la rabo inuu hoggaamiyuhu yeesho guud-ahaanba, waxaase cilmi-ahaan la
xaqiijiyay ; inuusan hoggaan bulsho aadami ahi qaban karin, Qofka leh
Sifooyinka soo socda:-
A. Qofka shakiga badan ee aan isku kalsoonayn.
B. Qofka aan bulshaawiga ahayn, goonni-u-socdka ah, dad la dhaqankana lahayn.
C. Qofka garashadiisu kooban tahay (Maan-gaab).
Dadka astaamaha noocaas ah leh, hadday qabtaan xil hoggaamin bulsho, way ku
guul-darraysanayaan oo kama midho-dhalin karaan.
Waxaa kaloo hoggaaminta bulshada hadduu qabto, isaguna ku fashilmaya; Qofka
leh astaamaha wanaagsan ee hoggaaminta bulshada, sida; Geesinnimada,
Deeqsinimada, Go’aan-qaadashada, Degganaanshaha, Garsooridda iwm. hase yeeshee,
ay ka maqan tahay Hawl-karnimada, Waayo-aragna aan ahayn, waana sida loo
yidhaahdo, “Waayo-aragnimo la’aaney ba”.
Si kastoo ay arrimuhu yihiinba, waa inuu hoggaamiyaha muslimka ahi lahaado
astaamaha iyo sifooyinka hoos ku qoran ee ay culimmadu sheegeen:-
(1) Waa inuu Allihiisa weyn ka baqayo, niyad u hayo, daacad iyo diyaar u yahay
xilka hoggaaminta bulshada, waddanina yahay.
(2) Waa inuu jir iyo maskax-ahaanba bad qabo, si uu karti ugu yeesho
xil-gudashadiisa.
(3) Waa inuu Shakhsiyad, muuqaal iyo akhlaaq wanaagsan leeyahay.
(4) Waa inuu dadka qancin karo, ra’yigiisana si fiican u cabbiri karo, si
dhiirranna hadalka u karo, go’aan qaadashana leeyahay.
(5) Waa inuu doonayo inuu dalka iyo dadkaba wax u qabto, dul-qaad iyo
geesinimana muujiyo.
(6) Waa inuu ka dhisan yahay dhinacyada; aqoonta guud, in ku filanna ka yaqaan
cilmiga bulshada, diinta, siyaasadda, ugu yaraanna hal luqad oo caalami ah si
fiican wax ugu cabbiri karo, si uu adduunka kale ula macaamilo.
(7) Waa inuu leeyahay hal-abuur ,kana dabbaalan karo caqabadaha, maareyntiisuna
mid macquul ah tahay.
(8) Waa inuu leeyahay aragti dheer, wax sii saadaalin karo, dibin-daabyadana
dareemi karo.
(9) Waa in uu dadka kale iskaashi la samaynayo, qaddarinayo ra’yigooda,
isla-weynina ayna ku jirin.
(10) Waa inuu si caqli iyo miyir ah wax ku xallin karo, caadifadahana iska
xakamyn karo.
(11) Waa inuu joogto u horumarin karo xiriirka uu dadka kale, gudaha iyo
dibadaha la leeyahay.
(12) Waa inuu bisayl iyo waayo-aragnimo xambaarsan yahay.
Haddii astaamahan badankoodda laga helo Madaxweynaha ama hoggaamiyaha,
waayuhuna saacido, dadweynaha iyo xubnaha dawladduna garab-galaan, waxay u
badan tahay, inay arrintu noqon karto;” Rag baa ka taliyay, Rabbina waa
aqbalay..”
Waxaa la arkay rag shahaaddooyin sar-sare wata, aqoon iyo akhlaaq aanay ku
yarayn, magac iyo muuqaal weyn leh, hase yeeshee, aan labo xadhig isku xidhi
kareyn, xafiisyadoodu ay hadhaysay fadhiidnimo hawleed, tallaabo kastoo ay
qaadaanna laga sheeganayo wax qabad la’aan oo aanay hawlahooda gudan.
Marka aynu hoos u eegno sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto
Madaxweynaha ama Hoggaamiyaha Wanaagsan, ma fududa xadidaddoodu, maxaa yeelay,
waxay badanaa ku xidhan tahay; Mawqifyada hadba soo wajaha hoggaamiyaha,
waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal iyo deegaan-bulshadeedka ku xeeran,
waana sida ay Murtidu sheegtay
” Haddii uu nin geesi ahi, raggu (geed-adayg yahay), haddaan garabka lala qaban
guri oodi maayo..”
Hoggaamiye kasta oo yimaada, astaamihii wanaagsanaa ee hoggaamintana leh,
hadduusan taageero ka helin dadka iyo dawladda uu hoggaanka u hayo, waaqaca
yaallana aannu u hiillin, hal tallaabo hore uma qaadi karayo, xilkiisana si fiican
uma gudan karo, xataa haddii uu dibadaha maciinsado, sida ay taariikhdu
sheegayso.
Gabagabo
Hogaamiyuhu Ma aha madaxweynaha ama qofka idinku daraja sareeya, balse waan kan
lagu daydo.
Ma aha qofka koox ahaan idinku mushahar badan, balse waa khatar u bareeraha.
Ma aha qofka idinku gaadhi wanaagsan ama idinku guri weyn, balse waa adeegaha.
Ma aha qofka nafsadiisa ama nafsadeeda horumariya, balse waa kan horumariya
kuwa kale.
Ma ah maareeye, balse waa curiye, ma aha qaate, balse waa bixiye.
Ma aha hadlaa afminshaar ah, balse waa dhagayste
Leave a Reply