HOGAAMINTA NAFTAADU WAA FURAHA HORUMARKAAGA

Hogaaminta naftaadu waa furaha horumarkaaga
mawduucaygan waxa uu aad u quseeya uguna talo galay dhalinyarta inta aanu da wadaagno iyo jiilka iga waaweyn iyo inta iga yaruar ee soo kici doonta mustaqbalka dhow
Hadaba aan ku bilaabo mawduucaygan su,aasha odhanaysa Horumar aad ka gaadho qof ahaan cabaqada faraha badan ee aduunyada yaa naftaada uga masuul ah?
Jawaabta su,aashan qofkasta oo caqli u saaxiib ah, waxgarad ah, in uun uu ku jiro damiir ama dareen u kagan, u ooman, u haraadan in maalin maalmaha kamid ah uu gaadho ama gaadhi karo hadafka,hiigsiga,himilada mustaqbalka uu ka leeyahay waa uu garan karaa micnaha ama qiimaha ay ugu fadhido in uu naftiisa hogaamiyaa kuna hogaamiyo dariiqa toosan, Alle ku xidho, tusa, u tilmaama wadiiqooyinka , tabaha iyo xeeladaha uu mustaqbalka ku noqon karo xidig ka dhex iftiima bulshada uu hadba ka tirsan yahay.
Waxaynu wada ogsoonahay dhamaan raga geesiyada ah,aqqoonyahanada ah, philosofer-ada,hogaamiyayaasha dawladaha caalamka aankusoo koobo intaa intaynu tusaaloyin usoo qaadan karno in ay magacyadooda adduunka dhamaantii looga yaqaano,loogu yeedho yaa ka masuul ahaa? Halkaas waxaynu ka qaadan karaynaa in adigu tahay masuulka kowaad ee naftaada ka dhigi kara waxa ay dooonayso in ay noqoto.
OGSOONOW!! dhamaan magacyada kor ku xusan in aad gaadho, laguugu yeedho., lagugu tilmaamo caqabado fara badan ayaa kasoo horeeya una baahan in aad noqoto qofka xaliya dhibaata kasta, caqabad kasta oo ka hor timaada kugu adkeysa sidii aad u gaadhi lahayd Himilooyinka aad higsanayso ee qalbigaaga ka dhex guuxaya.
In aad gaadho ama xaqiijiso, ku raaxaeysato macaaanka ay leedahay riyooyinka,himilooyika,hiigsiga kugu jiraa maaha wax si fudud aad ku gaadhi karto lkn waxay kaaga baahan yihiin in aad u samirto, u adkeysato, u dulqaadato dhamaan caqabada ama marxaladahaa ka hor istaaga in aad gaadho, ka rumayso himilooyinkaaga aad u ciil qabto maalin uun addunyada korkeeda in aad ku raaxaysto waxa lagaaga baahan yahay in keento, ku fikirto sidii aad u dhaafi lahayd marxalad kasta oo dhib ku ah, lidi ku ah ka rumaynta hamigaaga.
HADABA IN AAD NAFTAADA HOGAAMISAA waa mid kamid ah dariiqyada aad kaga gudbi karto, ku dhaafi karto, uga takhalusi karto caqabadaha kaa hor istaaga gaadhiga meesha ama hiigsiga aad u hamuun qabto. «

Inkastoo guhaadiyo
gaadiyo dagaaliyo
gabashada wax lagu dhibo
geesigu ma liicoo
gor ay ahaataba
goolkiisa wuu dhalin
geeribaa wax yeeshee
gowl-gowlku waa sahal
giriyaale hay cuna
galab qudha ma diiroo
shaw maba dagaal-galo
noloshuna giraantaa
gadgadoonta weeyan
goor ay ahaataba
geesigu ma liicoo
goolkiisa wuu dhalin

Comments are closed.